Guddoomiyaha Jaamacadda Togdheer oo ka qaybgalay xafladda abaalmarinta ardayda dugsiga Sheikh Ibraahim 2024-2025 iyo furitaanka Sanad 2025-2026. Guddoomiyaha Jaamacadda Togdheer, ๐๐ซ. ๐๐๐๐ฎ๐ฅ๐๐๐ฌ๐ข๐ ๐๐๐๐ข๐ง๐จ๐ฎ๐ซ ๐.๐ฌ๐๐๐ ayaa kala qaybgalay xafladda abaalmarinta ardayda Dugsiga Smart ee Sanadkii 2024-2025 iyo sidoo kale furitaanka Sanad dugsiyeedka Cusub 2025-2026. Guddoomiyaha ayaa hambalyo u diray ardayda guusha weyn gaadhay sanadkaas isaga oo ku ammaanay dadaalkooda, juhdigooda iyo ku dhegganaanta halganka waxbarasho. Waxa kale oo uu mahadnaq u jeediyey macallimiinta iyo waalidiinta door weyn ka qaatay korinta iyo kobcinta aqoonta ardayda. Gudomiyaha ayaa ku dheeraaday kaalinta iyo saamaynta ay aqoontu ku leedahay Qofka, Qoyska iyo Qaranka iyo in ay aqoontu tahay derajada Allah sheegay ee aadamuhu isdheeryahay. Togdheer University "The Light Of The Nation"