Guddoomiyaha Jaamacadda Togdheer oo ka qaybgalay xafladda abaalmarinta ardayda dugsiga Smart ee imtixaankii Qaranka.

  • 28 August, 2025

Guddoomiyaha Jaamacadda Togdheer oo ka qaybgalay xafladda abaalmarinta ardayda dugsiga Smart ee imtixaankii Qaranka. Guddoomiyaha Jaamacadda Togdheer, ๐ƒ๐ซ. ๐€๐›๐๐ฎ๐ฅ๐›๐š๐ฌ๐ข๐ ๐€๐›๐๐ข๐ง๐จ๐ฎ๐ซ ๐‡.๐ฌ๐š๐ž๐ ayaa kala qaybgalay xafladda abaalmarinta ardayda Dugsiga Smart ee guulaha waaweyn ka soo hooyey imtixaankii Qaranka ee Shahaadiga ah 2025. Munaasibadda ayaa ahayd mid lagu sharfayey ardaydii kaalmaha ugu sarreeya ka galay imtixaanka, iyadoo Dugsigu u diyaariyey abaalmarino qiimo badan. Guddoomiyaha ayaa hambalyo u diray ardayda guusha weyn gaadhay, isaga oo ku ammaanay dadaalkooda, juhdigooda iyo ku dhegganaanta halganka waxbarasho. Waxa kale oo uu mahadnaq u jeediyey macallimiinta iyo waalidiinta door weyn ka qaatay korinta iyo kobcinta aqoonta ardayda. Sidoo kale, Guddoomiyuhu waxa uu dardaaran u jeediyey ardayda, isagoo ku boorriyey inay halganka waxbarasho u sii guntadaan heer jaamacadeed, ayna ka faa’iideystaan fursadaha aqooneed ee horyaalla. Ugu dambayn, Guddoomiyaha Jaamacadda Togdheer waxa uu caddeeyey in Jaamacaddu si weyn ugu soo dhaweynayso ardayda ka gudbay dugsiyada , isla markaana ay diyaar u tahay inay siiso waxbarasho tayaysan, iyo manhaj la jaanqaadaya Waxbarashada Casriga ah. Togdheer University "The Light Of The Nation"

Image 1
Static Image 1