Ardayda sanadka koowaad ee Caafimaadka (Health Science) ayuu u soo dhamaaday Imtixaanka Gacan-qabashada (Practical Examination). Imtixaankani waxa uu ka kooban yahay dhammaan casharradii gacan-qabashada ee ay sanadkii koowaad barteen. Jaamacadda Togdheer waxay mar walba ku faantaa bixinta waxbarasho tayo leh, iyadoo soo saaraysa arday aqoontooda iyo xirfaddooda bulshada ugu adeegi kara. Togdheer University “The Light of the Nation”